Saturday, June 20, 2009
Ma Runbaa in la Gowracay Ing. Cadoow?

Inj. Maxamad Xuseen Cadoow oo ahaa xillibaan ka tirsan Dowladda KMG ah ayaa war lagu soo qoray waagacusub.com sheegayaa in lagu gowracay degmada kaaraan kadib markii aay nolol ku qabteen dagaalyahanada Alshabaab. Sida warku u qornaa, waxaa indhihiisa shanta ah ku dhigay wariye la shaqaeeya website-ka waagacusub.com iyadoo qoortiisa middi lagu gooynayo xillibaankaas.
Degmada kaaraan ayaa dagaal qaraar ku dhexmaray ciidamadda dowladda oo ay horkacayeen kuwa Indhacadde iyo kooxaha ka soo horjeeda dowladda. Dagaalkaas oo la isku weydaarsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa sida warkan waagacusub soo qoray kasoo baxay u eg mid aan cadownimo la isku reeban iyadoo la is gowracayo. Warkaas halkaan ka aqriso. Alshabaab oo Goowracday Xildhibaan Inj Cadoow
UPDATE: Xigashada warkan hoos waa dayniile.com
Xildhibaan Eng. Xuseen Maxamed Caddow oo ka tirsanaa xildhibaanadii ugu horeeyey ee dowladda federaalka KMG Soomaaliya ayaa caawa u geeriyooday Gowrac la sheegay inay u geysteen kooxda Al Shabaab ee dagaalka kala horjeeda dowladda Shariif Sheikh Axmed.
Geerida xildhibaanka oo ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Xafiiska madaxtooyada ee Villa Somalia ayaa la tilmaamay inay ka dambeysay kadib markii uu gacanta u galay kooxda Shabaab, kadibna ay Bireeyeen, sida ay xaqiijinayaan illo madax banana iyo saraakiil ku dhow dhow isaga.
Xildhibaanka ayaa ka mid noqday sanadii 2004 musharaxiin dhowr ah oo isu soo taagay jagamadii madaxtinimada Soomaaliya, waxaana lagu xusuustaa inuu yahay mid ka mid ah xildhibaanada ugu caasan kuwa dowladda federaalka uguna horeeyey.
Eng. Caddow ayaa noqonaya mas’uulkii afaraad ee78 saacadood gudahood ay dilaan kooxaha mucaaridka ee ka horjeeda dowladda, iyadoo maalinimadii dorraad uu Muqdisho ku geeriyooday Taliyihii ciidanka Booliska gobolka Banaadir Cali Siciid, halka shalayna lagu dilay B/weyne Wasiirkii Amniga Qaranka Cumar Xashi Aadan iyo C/kariin Faarax Laqanyo.
Maxamed Xuseen Ugaas
Ugaasyare114@gmail.com
Fadlan Heesaha Ka Dhageyso Halkaan
Qaybta Chat ka - iyo Salaamaha |
Ku Laabo Bogga Hore - Somchat.com Front Page
|
How to Get Paid Online Tips and Tricks to Get your Domain name Transferred To your Preferred Web Hosting Provider We are going to assume that you want to take a domain name that's registered with a certain registrar and move the domain name to another registrar. The first thing that needs to be done for a domain name transfer is the transfer needs to be initiated. The only company that can initiate a domain name transfer is the gaining registrar (the company you want to move the domain to). so either call up the new registrar, or go to their website to initiate the transfer. Now, if the admin contact approves the transfer request, then the gaining registrar sends a notification to the registry for the domain TLD. The registry checks the status of the domain and tells the gaining registrar if it's ok to continue or not. If the transfer is approved, then the losing registrar notifies the registry. The registry then moves the domain name from the losing registrar to the gaining registrar's account. The registry then notifies the gaining registrar that the transfer has completed and the gaining registrar notifies the person on the account where the domain transfer was initiated. |
| Fadlan Heesaha Ka Dhageyso Halkaan
0 comments:
Post a Comment
Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.